Baku (Dawan) — Gambia ayaa Jimcihii 2–1 kaga adkaatay Soomaaliya kulankoodii koowaad ee Group C ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2027, kadib gool uu Muhammed Badamosi dhaliyay daqiiqaddii 83-aad.
Ebrima Colley ayaa Gambia rigoore ku hormariyay daqiiqaddii 18-aad ee ciyaartii ka dhacday garoonka Independence Stadium. Bilal Njie ayaa Soomaaliya u barbareeyay daqiiqaddii 72-aad, isagoo kubbad ka dhalisay meel u dhow goolka kadib koorno uu helay. Badamosi ayaa 11 daqiiqo kaddib madax ku dhaliyay kubbad uu soo karoosay Suleiman Camara.