Soomaaliya (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay hawadeeda ka mamnuucday inay adeegsadaan diyaaradaha ku lugta lahaa baxsashadii Ceydaruus Al-Zubaidi , isla markaana aysan hadda kaddib ku soo degi karin garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah baaritaan qoto dheer oo dowladda Soomaaliya ay wado si loo ogaado duruufaha ku hareereysan soo maridda Al-Zubaidi ee Muqdisho, xilli uu kusii jeeday Imaaraadka, isaga oo adeeganaya diyaarad kasoo qaaday Berbera
Wasiir Fiqi, oo wareysi siiyay Al-Jazeera, ayaa sheegay inay jiraan tallaabooyin hore loo qaaday oo ay ka mid tahay mamnuucista diyaaradaha ku lugta leh, iyo diyaarado kale oo la mid ah, inay ka duuli karaan ama ku degan gudaha Soomaaliya. Tallaabooyinkaas ayaa la qaaday si loo hubiyo in baaritaanka uu noqdo mid hufan oo dhammeystiran.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay sameysay guddi baaritaan, kuwaas oo natiijadooda la filayo in la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda. Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay in baaritaanka uu ku saabsan yahay hubinta in garoonka Muqdisho la isticmaalay iyo in kale. “Waxaan dooneynaa in si cad loo xaqiijiyo in Garoonka Muqdisho la adeegsaday iyo in kale, haddii la xaqiijiyo in garoonkaas la isticmaalay, waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin adag oo laga qaadayo cid kasta oo arrintan ku lug leh” ayuu yiri Wasiir Fiqi






