Muqdisho (Dawan) — Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay qorshaynayso dib-u-hawlgelinta Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Lafoole, si dib loogu soo celiyo adeegyadeeda waxbarasho iyo cilmi-baariseed.
Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, ay kormeer shaqo ku tageen xarunta kulliyadda.