Muqdisho, Abriil 11 (Dawan) — Xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan lagu diyaarinayo hannaan cusub oo Heshiisyada Maalgashi Labo-geesood ah, iyadoo tallaabadan ay daba socoto sharci cusub oo maalgashi oo dhowaan la ansixiyay.
Kulankan oo soconaya laba maalmood, waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, ganacsatada iyo maalgashatada caalamiga ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hannaankan cusub uu noqon doono kii ugu horreeyay ee Soomaaliya u gaar ah, kaas oo hagaya sida ay ula macaamileyso maalgashiga shisheeye.
Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay sharciga maalgashiga 2025, kaas oo dhisaya hay’ad rasmi ah oo lagu magacaabo SOMINVEST si loo fududeeyo loona dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.
Agaasimaha SOMINVEST, Maxamed Dubo, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka guureyso habkii hore ee ku tiirsanaa heshiisyo ay diyaariyeen dalal kale.


