Muqdisho (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in dib-u-eegis iyo baaris lagu sameynayo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka iyo adeegyada duulista, iyadoo natiijooyinka iyo talooyinka ka soo baxa lagu soo bandhigi doono kulamada xiga ee Golaha.
Go’aankan ayaa ka dhashay kaddib markii Golaha Wasiirrada uu warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay xog ku saabsan tayada iyo badqabka diyaaradaha.
Warbixinta ayaa tilmaantay in qaar ka mid ah diyaaradaha gudaha ka shaqeeya ay ku guuldarreysteen buuxinta shuruudaha badbaadada iyo tayada, arrintaas oo sababtay in Wasaaraddu go’aansato in shaqada laga joojiyo diyaaradahaas.






