Muqdisho, 8 Jannaayo 2026 (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u dafirtay eedeymaha la xiriira in ay si sharci-darro ah ula wareegtay kaalmo cunto ama ay si khaldan u maamushay hantida bini’aadantinimo, kaddib go’aan uu Mareykanku ku hakisay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan sahayda cuntada, oo ay ku jirto tan uu Mareykanku maalgeliyo, in ay weli ku jirto “gacanta iyo maamulka buuxa” ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP). Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in wax isbeddel ah uusan ku imaan hab-maamulka iyo qaybinta gargaarka.
Bayaanka ayaa jawaab u ahaa eedeymo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo Arbacadii ku dhawaaqday hakinta dhammaan barnaamijyadii gargaarka ee ka faa’iideysan jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Washington waxay ku eedaysay mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay burburiyeen bakhaar uu Mareykanku maalgeliyay, isla markaana ay si sharci-darro ah ula wareegeen 76 mitrik tan oo cunto gargaar ah oo loogu talagalay dadka nugul.







