Muqdisho (Dawan)— Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa akhrintii koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo cusub, kuwaas oo kala ah Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed.
Labada hindise ayaa lagu soo bandhigay kulankii koowaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, kaas oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka ayaa si gaar ah diiradda u saaraya sidii loo xakameyn lahaa weerarrada internetka iyo sidii loo xoojin lahaa amniga dhijitaalka Soomaaliya.
Sharcigan ayaa ka kooban lix cutub iyo 33 qodob, waxaana dowladda ay sheegtay inuu qeyb ka qaadanayo dhismaha hannaan sharci oo lagu ilaaliyo kaabayaasha iyo adeegyada dhijitaalka ah ee dalka.