Aljeeriya, 11 Febraayo 2026(Dawan)– Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca cadaaladda, kaas oo diiradda lagu saarayo tababarrada garsoorka, dib-u-habeynta sharciyada iyo is-weydaarsiga khibradaha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta labada dal.
Heshiiskan ayaa maalintii Talaadada lagu kala saxiixday magaalada Algiers, waxaana dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali, halka dhinaca Aljeeriya uu u saxiixay Wasiirka Caddaaladda, Lotfi Boudjemaa.
Wasiir Xasan ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga sharciga iyo garsoorka, isla markaana uu gacan ka geysan doono taageeridda dib-u-habeynta hannaanka cadaaladda ee ka socota Soomaaliya. “Waxaan muhiimad weyn siinaynaa ka faa’iideysiga khibradda Aljeeriya ee dhinaca caddaaladda iyo garsoorka, gaar ahaan maamulka garsoorka, tababarrada iyo sharci-dejinta,” ayuu yiri Wasiirku, isaga oo intaas ku daray in iskaashigani uu taageeri doono dadaallada lagu xoojinayo sarreynta sharciga iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dowladda.







