Ankara (Dawan) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yasin Sheikh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha 26-aad ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ee Maamulayaasha Isgaarsiinta, GSR-26, oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Türkiye.
Shirweynahan sanadlaha ah waxaa ka qeyb gala madaxda hay’adaha maamula isgaarsiinta, siyaasad-dejiyeyaasha, hoggaamiyeyaasha shirkadaha teknoolojiyadda iyo daneeyayaasha dhijitaalka ah ee ka kala socda dalal badan, si ay uga wada hadlaan isbeddellada cusub ee nidaaminta isgaarsiinta iyo mustaqbalka isbeddelka dhijitaalka ah.
Shirka ayaa sannadkan diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa hannaan nidaamineed oo taageera mustaqbal dhijitaal ah oo adkeysi leh, loo dhan yahay isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada iyo dhaqaalaha casriga ah.


