Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, codsiga baasaboorka Soomaaliya lagu xiri doono Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama shahaado caddeynaysa in qofku horey u codsaday aqoonsiga.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay maanta oo Arbaca ah ayaa lagu sheegay in qof kasta oo aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka lagu boorinayo inuu si degdeg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga aqoonsiga, si uusan caqabad ugu noqon helitaanka adeegyada baasaboorka.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dukumiintiyada lagu dalbado baasaboorada ay noqdaan nuqullo (koobi), halka nuqulka asalka ah dib loogu celin doono qofka codsadaha ah.
Arrintan ayaa dhaqan geli doonta 13-ka May 2026, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.


