Sacuudiga, 9 Oktoobar 2025 — Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ku baaqay iskaashi goboleed oo xooggan si loola dagaallamo musuqmaasuqa loona soo celiyo hantida la xaday intii lagu guda jiray Kulankii Koowaad ee Sanadlaha ah ee Shabakadda Hay’adaha Dib-u-celinta Hantida ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA-ARIN) oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudiga.
Kulanka, oo dhacay Arbacadii, ayaa isu keenay saraakiil sare oo ka socday hay’adaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa ee gobolka, si looga wada hadlo hababka iskaashiga ee lagu xoojinayo la socodka iyo dib-u-helidda hantida musuqmaasuqa la xaday.

Wasiir Xasan ayaa shabakadda ku tilmaamay “tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda.” Waxa uu tilmaamay in MENA-ARIN ay ka tarjumayso “go’aan wadajir ah oo lagu horumarinayo cadaaladda, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo dib-u-helidda hantida la xaday.”
"Dambiyada sida musuqmaasuqa, dhaqidda lacagta sharci-darrada ah, iyo maalgelinta argagixisada ma aqoonsadaan xuduudaha," ayuu yiri Wasiir Moalim Mahmoud. "Mana jirto dal, awood kasta ha lahaadee, oo kali ku xallin kara."
Wuxuu intaas ku daray in shabakadda ay Soomaaliya ka caawin doonto xoojinta awooda hay’adaha ee baaritaanka maaliyadeed, dib-u-helidda hantida, iyo horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka. Waxa uu adkeeyay in dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa ay aanay kaliya ahayn waajibaad sharci, balse ay yihiin tiirarka dhismaha dowladnimada iyo kalsoonida bulshada.
Wasiir XasanMahmoud ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda uga qayb qaadan doonto hawlaha shabakadda, isla markaana ay la wadaagi doonto khibradaha iyo farsamooyinka ay baratay. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Dowladda Sacuudiga ee martigelisay kulanka iyo taageerayaasha caalamiga iyo kuwa gobolka ee ka qayb qaatay aasaaska MENA-ARIN.
"Waxaan ku kalsoonahay in kulankeenna maanta uu noqon doono bilowga wadiiqo cusub oo iskaashi, taasoo u faa’iideyn doonta dhammaan shacabkeenna," ayuu ku soo gabagabeeyay Wasiir Moalim Mahmoud.
MENA-ARIN waa shabakad goboleed oo loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta sharciga ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, si loo soo celiyo hantida la xaday, loola dagaallamo musuqmaasuqa, loona xakameeyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee sharci-darrada ah. Soomaaliya waa xubin ka tirsan shabakadda.



