MUQDISHO (Dawan ) – Soomaaliya ayaa ku biirtay hannaanka lacag-bixinta ee qaaradda Afrika ee loo yaqaan PAPSS (Pan-African Payment and Settlement System), sida uu sheegay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo tallaabadan lagu doonayo in lagu xoojiyo isku-xirnaanta maaliyadeed iyo ganacsiga gudaha Afrika.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku sheegay in ka mid noqoshada PAPSS ay suuragelin doonto in si degdeg ah oo hufan loo fuliyo lacag-bixinno gudaha iyo dibedda qaaradda Afrika, iyadoo la isku xirayo nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo kuwa kale ee Afrika.
Nidaamkan, oo loogu talagalay in lagu taageero ganacsiga qaaradda, ayaa u oggolaanaya ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed inay ku macaamilaan lacagaha maxalliga ah, taas oo yareyneysa ku tiirsanaanta lacagaha qalaad isla markaana dhimaysa kharashaadka wareejinta.
Bangiga Dhexe ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo lagu casriyeynayo kaabayaasha maaliyadeed ee dalka, si loo waafajiyo heerarka caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale xusay in nidaamkan uu fududeyn doono adeegyada lacag-bixinta, korna u qaadi doono isku-xirnaanta nidaamyada maaliyadeed ee Afrika, isla markaana uu taageeri doono is-dhexgalka dhaqaale ee qaaradda.


