Somalia, 11 Oktoobar 2025 — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa maanta ku dhawaaqday bilowga qandaraas caalami ah oo lagu soo saarayo Baasaboorka Jiilka Saddexaad ee Soomaaliyeed. Dukumentigan cusub ayaa noqon doona elektaroonik ah, nooca polycarbonate, isla markaana si buuxda u waafaqi doona heerarka tayada iyo amniga ee ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadani ay tahay horumar istaraatiiji ah oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda.“Tani waa guul istaraatiiji ah oo ka mid ah dadaallada Soomaaliya ee lagu casriyeynayo nidaamyada socdaalka iyo jinsiyadda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay’adda.“Baasaboorka cusub wuxuu kor u qaadi doonaa kalsoonida caalamiga ah ee dukumentiyada aqoonsiga Soomaalida wuxuuna hubin doonaa inuu buuxiyo heerarka ugu sarreeya ee amniga iyo tayada.”
Hay’addu waxay sheegtay in habka qandaraaska lagu fulin doono iyadoo la raacayo Sharciga Qandaraasyada Qaranka, si loo xaqiijiyo daahfurnaan iyo isla xisaabtan buuxa marka la dooranayo shirkadda soo saari doonta baasaboorka cusub.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in baasaboorka jiilka saddexaad uu yeelan doono astaamo amni oo casri ah iyo naqshad cusub oo adkeyn doonta cimrigiisa iyo aqoonsigiisa caalamiga ah.
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay inay bilaabi doonto latashiyo ballaaran oo lala yeelanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee khuseeya arrintan, si loo hubiyo in baasaboorka cusub uu ka tarjumayo rajada, aqoonsiga, iyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintu waxay xuseen in hindisahan uu qayb ka yahay istiraatiijiyadda guud ee dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha, laguna xoojinayo kalsoonida shacabka ee hay’adaha qaranka iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyad iyo maamul hufan.
Astaamaha cusub ee baasaboorka ayaa la filayaa inay si weyn u xoojiyaan amniga, taasoo adkeyn doonta in la been abuuro ama la beddelo. Sida laga soo xigtay shirkadda Guide Consultants, baasaboorka Soomaaliya ayaa hadda kaga jira kaalinta 105-aad caalamka, isagoo u oggolaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si fiisaha la’aan ah ama fiiso lagu helo imaatinka 30 waddan. Si kastaba ha ahaatee, shuruudaha fiisaha ayaa weli lagu dabaqaa 199 dal oo kale

