Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha Oktoobar 2026 si rasmi ah loo daahfuro baasaboorka jiilka saddexaad, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo dukumentiyada safarka iyo xoojinta amniga baasaboorka dalka.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in baasaboorka cusub uu yeelan doono astaamo amni oo horumarsan, isla markaana laga sameyn doono maaddada polycarbonate, oo ah qalab adag oo si weyn loogu isticmaalo baasaboorrada casriga ah.
Waxa uu sidoo kale xusay in baasaboorku uu waafaqsan yahay heerarka uu dejiyay Ururka Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), oo qeexaya shuruudaha amniga iyo tayada dukumentiyada safarka ee caalamka.
Horumarintan ayaa daba socota dadaallo hore oo ay hay’addu ku casriyeynaysay nidaamka dukumentiyada safarka, iyadoo bishii Oktoobar 2025 ay ku dhawaaqday tartan caalami ah oo lagu soo saarayo baasaboorka elektarooniga ah ee jiilka saddexaad, kaas oo lagu tilmaamay mid ka kooban astaamo biometric ah iyo teknoolojiyad ka hortagta been-abuurka.
Hay’addu waxay xilligaas sheegtay in nidaamka qandaraaska lagu fuliyay si waafaqsan sharciga qandaraasyada dowladda, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo isla-xisaabtan, iyadoo la doonayo in la doorto shirkad awood u leh soo saarista baasaboorka cusub.