Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in 42 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, 12 kalena lagu dhaawacay, duqeymo cirka ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si wadajir ah ula fuliyeen saaxiibbada caalamiga ah deegaanka Goobo ee Gobolka Hiiraan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, duqeymaha ayaa la fuliyay fiidnimadii Isniinta, waxaana lagu beegsaday tuulada Goobo oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas. Dowladda ayaa sheegtay in goobta ay dib isugu uruursanayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab kaddib markii lagu jabiyay dagaallo ka dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in marka laga soo tago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, howlgalka lagu burburiyay gaari ciidan, difaacyo iyo fariisimo ay Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalada socda ay dhabar-jab xooggan ku noqdeen Al-Shabaab, isla markaana ay wiiqeen awoodda kooxda ee dib isu abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa.