Muqdisho (Dawan) — Waxaa si rasmi ah loo soo dhaweeyay markabka Cagri Bey, kaas oo loo asteeyay inuu noqdo markabkii qodi lahaa ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ee Soomaaliya.
Munaasabadda soo dhoweynta ayaa ahayd mid si weyn loo agaasimay, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo wakiillo ka socday dowladda Turkiga.
Mas’uuliyiinta ayaa munaasabaddan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muddo dheer la sugayay. Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in maalintan ay tahay mid riyo ahayd oo hadda rumoowday.
“Waa maalin taariikhi ah; waa maalin ay dad badan oo Soomaaliyeed oo dunida ku kala nool jeclaan lahaayeen inay goobjoog ka noqdaan. Kuwa noolna waxay u tahay riyo muddo dheer ay ku riyoonayeen oo maanta xaqiiqo noqotay,” ayuu yiri wasiirku.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xusay in mashruucan uu soo maray caqabado iyo dhibaatooyin badan, balse ugu dambeyn lagu guuleystay hirgelintiisa.


