Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay astaanta “Made in Somalia”, oo lagu aqoonsan doono badeecadaha iyo wax-soo-saarka gudaha dalka lagu sameeyo.
Astaantan ayaa lagu soo bandhigay Bandhigga Wax-soo-saarka iyo Warshadaha Soomaaliya 2026, iyadoo dowladda ay sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in la xoojiyo wax-soo-saarka gudaha, lana kordhiyo kalsoonida lagu qabo badeecadaha dalka lagu sameeyo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in muddo dheer wax-soo-saarka Soomaaliya lagu suuq geyn jiray ama lagu qori jiray astaamo dalal kale.
“Waa guul weyn oo taariikhi ah in wax-soo-saarkeena lagu qoro ‘Made in Somalia’. Sidaad ogtihiin, lo’da ayaa Soomaaliya laga dhoofiyaa, Cumaan ayaa la geeyaa, halkaas ayaa lagu naaxiyaa, kadibna waxaa lagu qoraa inay Cumaan leedahay,” ayuu yiri Jibriil Cabdirashiid.
Dowladdu waxay sheegtay in badeecad kasta oo dooneysa inay yeelato astaanta “Made in Somalia” ay mari doonto shuruudo lagu xaqiijinayo in badeecaddaasi si dhab ah looga soo saaray ama looga farsameeyay Soomaaliya.
Nidaamka shahaadeynta wax-soo-saarka gudaha ayaa sidoo kale ku xiran qiimeyn lagu hubinayo tayada iyo waafaqsanaanta heerarka Soomaaliya. Hay’adda Soomaaliyeed ee Heerarka (SoBS) waxay sheegtay in badeecadaha gudaha lagu sameeyo ee buuxiya shuruudaha ay heli karaan astaanta tayada qaranka.