Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi iyo garab istaag u dirtay dowladda iyo shacabka Indonesia kaddib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Jasiiradda Flores, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakaca kumannaan qoys, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay si qoto dheer uga xun tahay khasaaraha ka dhashay musiibadan, iyadoo magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tacsi u dirtay dadka ku waayay eheladooda dhulgariirka iyo dadka kale ee ay waxyeelladu soo gaartay.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Indonesia xilligan adag, iyadoo bogaadisay dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta dalkaasi ee lagu gaarsiinayo gurmadka dadka ay musiibadu saameysay.