MUQDISHO (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday maamulka Somaliland inuu doorkeeda hoggaamineed ka qaato dejinta colaadda ka jirta gobolka Awdal, iyadoo ku baaqday xabbad-joojin degdeg ah iyo in loo gudbo wadahadal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada.
Bayaanka ayaa ka dambeeyay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre manata oo Khamiis ah .
“Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in ay qaataan mas'uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hoggaamineedna ka ciyaaraan deminta iska horimaadyada sokeeye iyo xasillinta deegaanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday dhinacyada isku haya colaadda inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka isla markaana ay qaataan nabadda.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexeyso ee gobolka Awdal inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.


