Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo dhammeystirka iyo ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Quudka Xoolaha, taas oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka xoolaha iyo helitaanka quud tayo leh oo dalka oo dhan laga hirgeliyo.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shir lagu ansixinayay siyaasaddan uu Arbacadii ka dhacay Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha (FAO).
Shirka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo wakiillo ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya horumarinta sector-ka xoolaha.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen muhiimadda ay siyaasaddani u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xoolo-dhaqatada oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, siyaasaddan ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo helitaanka quud tayo leh, kor loogu qaado wax-soo-saarka xoolaha, isla markaana lagu taageero horumar waara oo ku saabsan sector-ka xoolaha.


