Muqdisho (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Dowladda Kuwait, iyadoo muujisay garab istaageeda buuxa ee dalkaas Khaliijka ku yaalla.
War-saxaafadeed ay maanta oo Savti ah soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay markale xaqiijinayso taageeradeeda ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee Kuwait.
“Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.


