Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa xoojinaysa dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha garaad gacmeedka iyo amniga internetka, iyadoo sidoo kale la adkeynayo ilaalinta xogta muwaadiniinta, sida ay mas’uuliyiin ka sheegeen munaasabad ka dhacday Jaamacadda Muqdisho Khamiistii.
Jaamacadda ayaa daahfurtay barnaamijyo cusub oo diiradda saaraya amniga internetka iyo garaad gacmeedka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay maalgashi lagu sameynayo jiilka cusub ee Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan ilaalinta dalka iyo horumarinta teknoolajiyadda.
Maxamed Nuur Cali Colow, Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, ayaa soo dhoweeyay daahfurka barnaamijyada, isagoo sheegay in amniga internetku uu muhiim u yahay ilaalinta xogta ay hayaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Wuxuu sheegay in xogta shakhsiga ah ay u baahan tahay in lagu ilaaliyo shuruuc iyo habraacyo ku habboon, maadaama adeegyo badan ay u baahan yihiin in xogta si dhijitaal ah loo maareeyo.
Colow ayaa sheegay in soo bixitaanka degdegga ah ee garaad gacmeedku uu abuuray baahi loo qabo in Soomaaliya ay dejiso xeerar iyo habraacyo lagu hago adeegsigiisa.
Wuxuu garaad gacmeedka ku tilmaamay “mindi laba af leh” oo loo adeegsan karo wax wanaagsan ama waxyeello, isagoo dadka ugu baaqay inay si mas’uuliyad leh u isticmaalaan, kana fogaadaan in loogu adeegsado waxyeellaynta dadka, sumcad-dilka ama ku xadgudubka xuquuqda.
Colow ayaa sheegay in Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynuhu ay diyaarinayso sharciyo iyo habraacyo lagu ilaalinayo xogta shakhsiga ah. Wuxuu sheegay in qorshuhu yahay in xeerarka la soo bandhigo, kadibna wadatashi lala yeesho jaamacadaha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.
Wuxuu sidoo kale shirkadaha ka shaqeeya garaad gacmeedka ugu baaqay inay hubiyaan in xogta ay nidaamyadooda ku kaydiyaan loo maareeyo si waafaqsan sharciga, isla markaana ay faa’iido u leedahay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo la dhowrayo xogtooda.