Dallas Stadium (Dawan)– Spain ayaa u soo baxday finalka Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 2010, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay France kulan ka dhacay garoonka Dallas Stadium.
Xulka Spain ayaa ciyaarta inteeda badan gacanta ku hayay, isagoo si fiican u xakameeyay weerarka France oo ay hoggaaminayeen Kylian Mbappe iyo saaxiibbadiis, waxaana guusha u xaqiijiyay goolal ay dhaliyeen Mikel Oyarzabal iyo Pedro Porro.
Bilowgii ciyaarta labada dhinac ayaa sameeyay weerarro kooban, balse Spain ayaa heshay fursaddii ugu horreysay ee gool marka Lucas Digne uu qalad ku galay gudaha xerada ganaaxa, kaddib markii uu si aan ula kac ahayn u jiiray Lamine Yamal xilli uu isku dayayay inuu kubadda ka saaro.
Mikel Oyarzabal ayaa laaday rigooradii, wuxuuna si kalsooni leh ugu dhaliyay Spain goolka koowaad daqiiqaddii 22-aad, kaas oo noqday goolkiisii shanaad ee tartankan.
France ayaa isku dayday inay soo laabato, waxaana fursaddii ugu fiicneed helay qeybtii hore Bradley Barcola, dhinac Spain waxaa sidoo kale fursad gool noqon karaty sameeyay Fabian Ruiz.