Soomaaliya (Dawan)- Dowladda Soomaaliya waxay qaadatay istiraatiijiyad amni oo lagu maareynayo xilliga kala guurka ah, taas oo ujeedkeedu yahay in laga hortago khatar kasta oo Al-Shabaab ay ku keeni karto caasimadda Muqdisho iyo xarumaha dowlad-goboleedyada dalka.
Agaasimaha Machadka Saldhig, oo hore u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in qorshahan uu ku saleysan yahay in si buuxda loo sugo amniga caasimadaha dalka, isla markaana laga dhigo kuwo aan marnaba u nuglaan karin khalkhal amni.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu sharraxaad ka bixiyay istiraatiijiyadda lagu naaneyso “qaansada caasimadda Muqdisho,” taas oo dhigaysa in ugu yaraan 100 kiiloomitir laga fogeeyo wax kasta oo khatar amni ah, si aanay u jirin awood ay Al-Shabaab ugu soo dhowaato caasimadda.
“Markaan kasoo tegayay( xafiiska amniga qaranka) istiraatiijiyad la dejiyay ayay ahayd oo loogu talagalay xilliga kala guurka ah, si caasimadaha gacanta dowladda ku jira midkoodna aanu u noqon meel khatar ka dhalan karto, gaar ahaan Muqdisho oo aan marnaba loo oggolaan in ay noqoto meel qalqal amni ka jiro,” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in marxaladda xigta ay tahay in xadka amniga laga sii fogeeyo, illaa 200 kiiloomitir, si loo sii adkeeyo difaaca caasimadaha iyo deegaannada istiraatiijiga ah ee dalka.


