Muqdisho (Dawan) – Shirkadda Tabaarak ICT Solutions ayaa ku guulaysatay Abaalmarinta Tayada Qaranka ee sannadka 2026. Abaalmarinta waxaa lagu gudoonsiiyay xafladda “Quality Night”, oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed oo dhacday 8 October. Xafladda waxaa lagu abaalmariyay hay’ado dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay oo sannadkan muujiyay heer tayo oo sarreeya.
Guushan kadib, Tabaarak ICT waxay Soomaaliya u matali doontaa East Africa Quality Awards, oo ka dhici doona magaalada Kigali ee dalka Rwanda 2-da November 2026. Shirkaddu waxay ku tartami doontaa qaybta ICT-da, heerka shirkadaha dhexe (medium).
Axmed Xasan Maxamed Balack, Agaasimaha Ku-xigeenka Machadka Tayada Qaranka, ayaa sheegay in Tabaarak ICT ay raacday nidaamka uu dejiyay Ururka bulshada Bariga Afrika (EAC). Wuxuu xusay in codsiga tartanku ka koobnaa ilaa 20 bog, isla markaana shirkaddu si dadaal leh u soo gudbisay shuruudihii iyo dukumentiyadii loo baahnaa. Sida uu sheegay, hawshaas waxay kooxdiisa ku qaadatay ilaa laba ilaa saddex toddobaad.
“Waxaa farxad leh in guddi la fadhiistay, iyagoo si qualified ah uga qayb geli doona tartanka Kigali, Soomaaliyana ku matali doona qaybta ICT-da,” ayuu yiri Axmed Xasan. Wuxuu u rajeeyay guul,.