Muqdisho (Dawan) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga furay tababar lagu horumarinayo macaahida culuumta Shareecada, kaas oo diiradda lagu saarayo tayeynta waxbarashada, kor u qaadista tayada macallimiinta, iyo xoojinta doorka ay macaahiddu ku leeyihiin bulshada.
Tababarkan oo ay si sanadle ah u qabato Jaamacadda Al-Carabiya ayaa sanadkan noqday kii 4aad. Waxaa ka qeyb galay maamulka ku dhowaad 150 machad oo lagu barto culuumta Shareecada, kuwaas oo ka kala yimid meelo kala duwan.
Barnaamijka waxaa soo qabanqaabisay Jaamacadda Al-Carabiya, halka maalgelintiisana uu bixiyay Isbitaalka Muqdisho. Ujeeddada tababarka ayaa ahayd horumarinta habka waxbarashada ee macaahida, sare u qaadista tayada imtixaannada, iyo adkeynta mas’uuliyadda iyo daacadnimada lagu gudbinayo cilmiga.
Intii uu socday tababarka, ka qeybgalayaasha waxaa lagu barayay habraacyada casriga ah ee dejinta imtixaannada si ay ula jaanqaadaan nidaamka waxbarashada tacliinta sare, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray in waxbarashadu tahay mas’uuliyad iyo ammaanada ay waajib tahay in si hufan loo guto.