Jabuuti (Dawan) – Ugu yaraan sagaal qof ayaa dhintay, 45 kalena waa la la’yahay, kaddib markii doon ay la socdeen tahriibayaal ay ku degtay xeebaha waqooyi ee Jabuuti, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Dhacdadan ayaa noqotay mid ka mid ah musiibooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhaca marin-biyoodka khatarta badan ee tahriibka.
Shilkan ayaa ka dhacay habeenkii 24-ka Maarso meel u dhow deegaanka Ombok, iyadoo howlaha gurmadka ay weli socdaan, isla markaana laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii kororto.
Doonta ayaa la sheegay inay siday qiyaastii 320 qof xilligii uu shilku dhacay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin halka ay ka timid iyo halka ay ku socotay.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in aan weli la ogayn sababta rasmiga ah ee shilka, balse ay tilmaamtay in dhacdooyin noocan oo kale ah ay ku soo noqnoqdaan biyaha isku xira Geeska Afrika, Yemen iyo dalalka Khaliijka.
