Muqdisho (Dawan)– Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. Anderson, ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka ay mar kale wadaan hawlgallo dib loogu qabanyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo hore looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo markale galay gacanta Al-Shabaaab.
Anderson ayaa hadalkan ku sheegay wareysi ay maanta oo Jimco ah baahisay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo xusay in deegaannadii laga xoreeyay Al-Shabaab intii u dhexeysay sannadihii 2019 illaa 2021 ay markii kale dib u galeen gacanta kooxda, taasoo sababtay in la bilaabo hawlgallo cusub oo dib loogu soo celinayo gacanta dowladda.
Wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa hoggaanka ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2019 iyo 2021, xilligaas oo ciidamada Mareykanka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Kumaandooska Danab, ay hormar ka sameeyeen jiidda Wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Hoose ilaa deegaanka Mubaarak.
Jeneraal Anderson ayaa yiri: "Waxaan halkan joogay intii u dhexeysay 2019 iyo 2021 anigoo ka tirsanaa hoggaanka howlgalada gaarka ah. Waxaan la shaqeynaynay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kumaandooska Danab, waxaana gaarnay ilaa deegaanka Mubaarak. Markii aan dib ugu soo noqday AFRICOM, waxaan ogaanay inaan mar kale dib u qabsaneyno isla dhulalkii hore."
Wuxuu tilmaamay in sababta loo lumiyay deegaannadaas aysan ahayn guuldarro militari oo gaar ah, balse ay ka dhalatay in laga leexday mudnaantii dagaalka lagula jiray Al-Shabaab.