Muqdisho (Dawan)– Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Dagvin R. M. Anderson, ayaa ka digay in khilaafaadka siyaasadeed iyo xasillooni darrada ka jirta Soomaaliya ay wiiqi karaan mustaqbalka iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in guusha laga gaaray la dagaallanka argagixisada ay u baahan tahay hay'ado dowladeed oo xasilloon oo si hufan u shaqeeya.
Hadalkan ayuu Anderson ku sheegay wareysi ay Jimcihii baahisay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo xusay in Mareykanku uusan "dhabarka u jeedin" Soomaaliya, isla markaana uu sannado badan garab taagnaa dalka, oo ay ku jirto kaalintii uu ka qaatay dhismaha Ciidanka Kumaandooska Danab. Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in taageeradaasi aysan ahayn mid shuruud la'aan ku sii socon doonta.
Anderson ayaa yiri: "Haddii Soomaaliya horumar sameyso, dowladduna ay hoggaanka qaadato, waxaan sii wadi doonnaa garab istaagga, maadaama ay jiraan dano wadaag ah. Laakiin haddii aanan arkin arrintaas, isla markaana ay sii socdaan xasillooni darrada iyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, aad bay noogu adkaan doontaa inaan sii wadno ka qaybgalkeenna."
Wuxuu intaas ku daray in guulaha militari ee laga gaaro dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish aan la sii joogteyn karin haddii aysan jirin hay'ado dowladeed oo awood leh iyo maamul hufan.