Muqdisho (Dawan) – Taliyaha Guud ee Booliska Qaranka Jabuuti, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin, ayaa Axaddii soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu mar kale ku xaqiijiyay in dowladda Jabuuti ay ka go'an tahay taageeridda nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Taliyaha, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Soo dhaweynta waxaa sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.
Isagoo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ku dhisan yahay taariikh, walaaltinimo iyo iskaashi soo jireen ah, isagoo ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay "dalka labaad" ee Jabuuti.
"Waxaan leenahay laba dal; Jabuuti iyo Soomaaliya," ayuu yiri Taliyaha Booliska Jabuuti.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay door weyn ka qaadatay halgankii ay Jabuuti ugu jirtay madaxbannaanida, isla markaana ay taasi sabab u tahay in Jabuuti ay mar walba garab istaagto Soomaaliya.
"Haddii aysan jiri lahayn Soomaaliya, Jabuuti ma aysan heli lahayn madaxbannaanideeda. Maanta marka Soomaaliya ay wajahdo caqabado, Jabuuti waxay garab taagan tahay sidii Soomaaliya hore noogu garab istaagtay," ayuu yiri.