Muqdisho (Dawan) – 47 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa laga mamnuucay ka qaybgalka kulammada soo socda ee baarlamaanka, kuwaas oo dhici doona seddexda fadhi ee ugu dambeya. Xildhibaanadaan ayaa si isku mid ah loogu eedeeyay ku xad-gudub nidaamka iyo hab-dhaqanka golaha intii lagu guda jiray saddexdii kulan ee ugu dambeysay.
Mamnuucidda ayaa ka dhalatay dhacdooyin dhowr ah oo qaab ahaan isku eg, kuwaas oo ka dhacay kulammada ugu dambeeyay ee labada aqal, kuna lug lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Gudoonka Golaha Shacabka ayaa ku tilmaamay in arrimahani ay carqaladeeyeen shaqooyinkii golaha iyo hufnaanta sharci-dejinta.







