Jabuuti (Dawan)- Toddoba qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen baad, dhac iyo ka ganacsiga daroogada ayaa lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, sida ay Wakaaladda Wararka dalkaas kasoo xigatay Ciidamada Qaranka.
Wakaaladdu waxay intaas raacisay in Ciidamadu ay howlgalkan ku dhaqaaqeen kadib falal dambiyeedyo dhowr ah oo laga diiwaangeliyay magaalada.
Dadka la qabtay ayaa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen baad loo adeegsaday hub, dhac, ka ganacsiga daroogada iyo haysashada alaabo la soo xaday.