Washington ( Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaki geliyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo sheegay in Washington aysan weli diyaar u ahayn inay raacdo tallaabadaas, taasoo dhalisay dood cusub oo ku saabsan mustaqbalka aqoonsiga Somaliland.
Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post oo dhanka taleefanka ah, ayuu Trump ku muujiyay taxaddar ku aaddan arrintaas, isaga oo su’aal geliyay fahamka guud ee qaddiyadda Somaliland. “Yaa runtii garanaya waxa Somaliland ay tahay?” ayuu yiri Trump, taas oo si weyn u soo jiitay indhaha warbaahinta caalamka.
Hadalkan ayaa yimid wax yar kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, kaddib kulan muuqaal ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), tallaabadaas oo dhalisay falcelinno diblomaasiyadeed oo ballaaran.
Trump ayaa cadeeyay in uusan qorshaynayn inuu si degdeg ah u aqoonsado Somaliland, isagoo xusay in uu u baahan yahay inuu marka hore daraaseeyo soo-jeedinta Netanyahu.
“Waxaan u baahanahay inaan ka fiirsado fikradda Netanyahu,” ayuu yiri Trump, taasoo muujinaysa kala duwanaansho u dhexeeya mowqifka Mareykanka iyo kan Israa’iil.






