Muqdisho – 26 Diseembar 2025- Dowladaha Turkiga, Masar, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa si wadajir ah u cambaareeyay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyaga oo adkeeyay taageeradooda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan diblomaasiyadeed oo ay si wadajir ah u soo saareen, afarta dal waxay ku sheegeen in tallaabada Israa’iil ay tahay mid halis ku ah xasilloonida gobolka isla markaana ka hor imaanaysa mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay.
Arrintan ayaa timid kaddib wadahadallo telefoon ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdel Ati, la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray saameynta go’aanka Israa’iil iyo khataraha uu ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.





