Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay eedeymo lagu faafinayay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay si hal-dhinac ah uga faa’iideysanayso kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo tamarta.
Bayaan ka soo baxay Xarunta La‑Dagaallanka Marin‑Habaabinta ee Turkiga (Dezenformasyonla Mücadele Merkezi) ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi ay yihiin warar been-abuur ah oo marin-habaabin ah, kuwaas oo si ula kac ah loo faafinayo si loo leexiyo xaqiiqda loona wiiqo iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.
Xaruntu waxay caddeysay in heshiiska dhinaca tamarta ee ay wada saxiixdeen Shirkadda TPAO iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya uu si cad u qeexayo in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uusan jirin wax heshiis ah oo ka hor imaanaya madax-bannaanida Soomaaliya ama lahaanshaha kheyraadkeeda.
“Heshiiska ay wada saxiixdeen TPAO iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya wuxuu si cad u qeexayaa in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin oo keliya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.








