Istanbul (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si cad u diiday aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin. Hadalkan ayuu sheegay kaddib shir jaraa’id oo si wadajir ah ay magaalada Istanbul ku qabteen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Erdogan ayaa sheegay in inkastoo ay jiraan dadaallo lagu burburinayo Soomaaliya, haddana amniga dalka uu horumar muuqda sameeyay, isagoo xusay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya، gaar ahaan taageerada diplomaasiyadeed ee wax ku oolka ah, si loo xoojiyo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
“Marka loo eego dadaallada lagu qalqalgelinayo xasiloonida Soomaaliya, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray amniga,” ayuu yiri Erdoğan. “Turkigu wuxuu sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya, iyada oo la siinayo taageero diplomaasiyadeed oo wax ku ool ah.”




