Muqdisho (Dawan) – Hay'adda Qaramada Midoobay ee Badbaadada Caruurta ee UNICEF, ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in carruur lagu dilay laguna dhaawacay iska horimaadyada, halka xarun caafimaadna ay waxyeello soo gaartay.
War kasoo baxay UNICEF Arbacada Maanta ah, ayaa lagu sheegay in carruurta ay mar kale qaadayaan culeyska ugu weyn ee rabshadaha ka socda magaalada, xilli amni-darradu ay khatar gelinayso noloshooda isla markaana ay xaddidayso helitaanka adeegyada caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.
UNICEF waxay sheegtay in xaaladda amni ay kusoo beegantay xilli qoysas badan ay horey ula tacaalayeen barakac, cunto yari iyo heerar sare oo nafaqo-darro carruurta ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay ka ilaaliyaan carruurta waxyeellada, ayna dhowraan iskuullada iyo xarumaha caafimaadka, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la oggolaado in gargaarka bani’aadannimo uu si ammaan ah oo aan caqabad lahayn u gaaro dadka u baahan.
“Ilmo kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ahaado mid ammaan ah, laga ilaaliyo rabshadaha, isla markaana helo adeegyada uu u baahan yahay si uu u noolaado una horumaro,” ayay UNICEF sheegtay.