Baydhabo (Dawan) – Urur siyaasadeedka Towfiiq ayaa maanta xarun cusub ka furtay magaalada Baydhabo, kadib munaasabad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ururkan, oo hore uga qeybgalay doorashadii golaha deegaanka ee gobolka Banaadir , ayaa sheegay in furitaanka xaruntan uu qayb ka yahay ballaarinta howlaha ururka iyo gaarsiinta adeeggiisa bulshada gobollada dalka. Hoggaanka Towfiiq ayaa tilmaamay in ururku ku dhisan yahay himilooyin la xiriira horumarinta dalka, adkeynta midnimada bulshada iyo ka-qaybgalka nidaamka dimuqraadiyadda.
Xoghayaha guud ee ururka, Maxamed Sheekh Cali, ayaa sheegay in ururku uu xooga saarayo danta guud iyo ka-qaybgalka shacabka, isagoo yiri:


