Muqdisho (Dawan) – Ururka siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran ayaa soo dhoweeyay isbeddelka hoggaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu soo celinayo nidaamka iyo kala dambeynta gobolka.
War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in xaaladaha siyaasadeed, amni iyo maamul ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, ay muddooyinkii u dambeeyay ahaayeen kuwa cakiran, taasoo dhalisay, sida ururku sheegay kacdoon shacab oo ka dhan ahaa maamulka hore.
Ururka ayaa ku eedeeyay hoggaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed inuu ku kacay falal ay ka mid yihiin ku-takri-fal awoodeed, musuqmaasuq iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka, isaga oo xusay in isbeddelka dhacay uu yahay mid ay shacabka iyo ciidamadu kala shaqeeyeen dowladda Federaalka Soomaaliya door ku lahayd.


