Muqdisho (Dawan)- Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika ayaa Muqdisho ku kulmay si ay uga wada hadlaan shaqo-abuurka, xuquuqda shaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga gobolka.
Shirweynaha guud ee Ururka Isbahaysiga Ururrada Shaqaalaha Geeska Afrika (HACTU) waxaa martigeliyey Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), waxaana ka qaybgalay wakiillo ka socda ururrada shaqaalaha ee dalalka xubnaha ka ah HACTU, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo wakiillo ka socda Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo Urur-goboleedka IGAD. Shirka waxaa taageeraya ILO, iyadoo maalgelintiisana ay bixineyso Midowga Yurub.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Salim Caliyow Ibro, ayaa furay shirka, iyadoo ka qaybgalayaashu ay ka hadlayaan mustaqbalka shaqada iyo xaaladda shaqaalaha ee gobolka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed xasan, ayaa sheegay in ganacsiga iyo shaqaaluhu ay tahay inay si wadajir ah u horumaraan.
“Ganacsiga iyo shaqaaluhuba waa inay si wadajir ah u socdaan,” ayuu yiri Jamaal, isagoo ka hadlayay ballaarinta suuqyada, furitaanka xuduudaha iyo kordhinta ganacsiga gobolka.
Wuxuu sheegay in iyadoo Soomaaliya ay sii kordhineyso ka qaybgalkeeda ganacsiga gobolka, ay muhiim tahay in shaqaaluhu ay sidoo kale ka faa’iidaystaan fursadaha ka dhasha is-dhexgalka dhaqaale.