Muqdisho, 13 Abriil 2026 (Dawan)– Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyay in Xuseen Qaasim Yuusuf uu noqdo Agaasimaha Guud ee cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA), sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada.
Go’aankan, oo lagu gaaray kulan aan caadi ahayn oo dhacay maanta oo Isniin ah, uuna guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa yimid kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.
Yuusuf, oo hore uga tirsanaa Golaha Shacabka isla markaana soo noqday wasiir ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa beddelaya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo hay’adda hoggaaminayay tan iyo bishii Diseembar 2024.


