Hiiraan (Dawan)– Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka dhaawac culus lagu gaarsiiyay Mustaf Caato oo ay ku tilmaantay madaxa guud ee waxa ay ugu yeertay Jabhadaha Gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegtay NISA, howlgalka oo dhacay 12-kii Agoosto 2026 ayaa lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxda.
Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay Cabdi Xaafid, oo ka tirsanaa qaybta qaraxyada ee Al-Shabaab; Daalibaan, oo ka tirsanaa qaybta gurmadka Gobolka Hiiraan; iyo Cumar Xuseen, oo ahaa horjooge ka tirsan waxa ay ugu yeertay Jabhadaha.
Waa kuma Mustaf Caato?
NISA ayaa sheegtay in Mustaf Caato, oo ay ku tilmaantay madaxa guud ee Jabhadaha Gobolka Hiiraan, uu dhaawac culus ka soo gaaray howlgalka.