Jowhar (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen(Cali Guudlaawe), ayaa sheegay inuu mar kale u tartamayo xilka madaxweynaha Hirshabelle.
Isagoo wareysi siinayay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, Guudlaawe ayaa sheegay inuu yahay musharrax, isla markaana uu ka yahay xisbiga JSP.
“Murashax baan ahay. Waxaan ka tartamayaa xisbiga JSP.” ayuu yiri Guudlaawe.
Markii la weydiiyay in xisbiga JSP uu si rasmi ah ugu aqoonsaday musharraxiisa madaxweynaha Hirshabeelle, Guudlaawe wuxuu sheegay in arrintaas aan weli la gaarin waqtigeeda, balse uu xaqiijiyay inuu yahay musharrax ka tirsan xisbiga.
Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisu soo dhoweynayo dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka howlgalaan Hirshabeelle, isagoo intaa ku daray in dhowr xisbi ay hore xafiisyo uga furteen caasimadda dowlad-goboleedka ee Jowhar.