Brazzaville (Dawan)– Xuseen Sougueh Aadan ayaa ku guuleystay tartanka Nus-Maratoonka Caalamiga ah ee Brazzaville shalay, isagoo dhigay rikoor cusub oo tartanka ah, halka orodyahanadda Jabuuti Souhra Cali Maxamed ay kaalinta saddexaad ka gashay tartanka haweenka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Xuseen Sougueh Aadan ayaa ku dhammeystay orodka 21.1 kiiloomitir ah hal saac, 2 daqiiqo iyo 38 ilbiriqsi, isagoo ka hor maray tartamayaashii kale ee ka qeyb galay tartanka 21-aad ee Nus-Maratoonka Brazzaville ee ka dhacay Jamhuuriyadda Congo.
Orodyahanka Jabuuti ayaa hogaanka qabtay bilowgii tartanka, isagoo sii hayay ilaa xariiqda dhammaadka, wuxuuna ka adkaaday oradyahanada kala ah John Hakizimana oo galay kaalinta labaad, iyo Chepkorom Ezekiel oo kaalinta saddexaad galay kana soo kala jeeda Rwanda iyo Uganda
Dhinaca tartanka haweenka, Souhra Cali Maxamed ayaa Jabuuti u xaqiijisay billaddii labaad ee tartanka, iyadoo gashay kaalinta saddexaad kadib markii ay ku dhammeystay orodka hal saac, 13 daqiiqo iyo 42 ilbiriqsi.