Washington (Dawan) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington, oo ah sarkaal xirfad-diblomaasiyadeed leh oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, u magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo magacaabistiisa loo gudbiyay Golaha Senate-ka Mareykanka.
Aqalka Cad ayaa 14-kii Sebtembar sheegay in Kennington loo magacaabay Safiir leh darajo diblomaasiyadeed oo buuxda oo Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistiisa ayaa hadda u baahan ansixinta Senate-ka. Magacaabista Kennington ayaa timid kaddib muddo uu xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya bannaanaa, taasoo ka dambeysay markii loo yeeray safiirkii hore Richard H. Riley.
Bishii December 2025, maamulka Trump wuxuu dib ugu yeeray ku dhowaad 30 safiir iyo diblomaasiyiin sare oo Mareykan ah, tallaabadaas oo si gaar ah u saameysay Afrika. 13 safiir oo ka howlgala dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ayay ka howlgelyayeen diblomaasiyiinta dib loogu yeeray Washington, taasoo kordhisay tirada xilalka sare ee diblomaasiyadeed ee ka bannaan gobolka.
Richard H. Riley, oo ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa safiirradii dib loogu yeeray. Maamulka Trump wuxuu tallaabada ku saleeyay baahida loo qabo in safaaradaha Mareykanka ay la jaanqaadaan siyaasadda “America First”, iyadoo sarkaal ka tirsan maamulka uu sheegay in safiirku yahay wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha.
Kennington wuxuu leeyahay khibrad dheer oo ku saabsan Afrika iyo Soomaaliya. Waa sarkaal xirfad-diblomaasiyadeed ah oo dhowr xilal hoggaamineed kasoo qabtay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Hadda wuxuu yahay La-taliyaha Gaarka ah ee Arrimaha Great Lakes, halkaas oo uu yahay xiriiriyaha ugu sarreeya ee waaxda kala shaqeeya kooxaha hubeysan ee ka howlgala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. African Great Lakes region waa wadamada ku yaalla bartamaha iyo bariga Afrika oo ay ku yaallaan harooyin waaweyn sida Lake Victoria, Lake Tanganyika, Lake Kivu, iyo Lake Albert.
Marka siyaasadda iyo diblomaasiyadda Mareykanka lagu yiraahdo “Great Lakes”, badanaa waxaa si gaar ah loola jeedaa gobolka ku xeeran DR Congo, Rwanda, Burundi iyo Uganda, inkastoo qeexitaanku mararka qaar ka ballaaran yahay.
Wuxuu sidoo kale hoggaamiyaa dadaallada diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee lagu taageerayo hirgelinta heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda, isagoo fududeeya wada-hadallada u dhexeeya DRC iyo Dhaqdhaqaaqa 23-ka Maarso, ama M23, isagoo la kaashanaya Qatar.