Muqdisho (Dawan ) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday RAAS Agribusiness Solution iyo Baadi Goob AgroLink inay ku guuleysteen Tartanka Hal-abuurka Furan ee Suuq-helidda Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed (Open Innovation Challenge), oo ah tartankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dalka ka dhaca, sida ay sheegtay Wasaaradda.
Munaasabadda lagu shaaciyay natiijada tartanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Agaasimaha Gobolka IFAD u qaabilsan Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, Yurub iyo Bartamaha Aasiya, Naoufel Telahigue.
Labada shirkadood ee ku guuleystay tartanka ayaa kala ah RAAS Agribusiness Solution iyo Baadi Goob AgroLink, kuwaas oo ka soo baxay tartan adag oo ay muddo hal sano ah kula jireen 10 shirkadood oo kale.
Wasaaradda ayaa sheegtay in labada shirkadood ay heli doonaan taageero dhaqaale oo dhan $40,000, si ay u ballaariyaan una horumariyaan xalalka ganacsi ee ay soo bandhigeen.
Xalalka ay shirkadahan soo bandhigeen ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada caqabadaha la xiriira suuq-geynta wax-soo-saarka beeraha, isku xirka beeraleyda iyo suuqyada, iyo xoojinta doorka haweenka beeraleyda Soomaaliyeed ee horumarinta dhaqaalaha.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegtay in tartankani uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka gudaha, taageeridda ganacsiyada cusub iyo dhisidda nidaam beereed waara oo kor u qaada wax-soo-saarka dalka.