Muqdisho (Dawan) – 15 Sebteembar 2026 – Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo ayaa 29 magaalo oo ku kala yaalla 14 gobol u aqoonsatay magaallooyinka mudnaanta leh ee diyaar-garowga iyo ka-jawaabista khataraha fatahaadaha ee la xiriira roobabka Deyrta 2026.
Magaalooyinka ayaa kala ah Doolow, Luuq, Baardheere, Bu’aale, Beledweyne, Buuloburde, Jowhar, Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Boosaaso, Qardho, Baydhabo, Gaalkacyo, Kismaayo, Afgooye, Buurhakaba, Jilib, Afmadow, Diinsoor, Qansaxdheere, Jamaame, Ceelburde, Sablaale, Kurtunwaarey, Marka, Baraawe, Dhuusamareeb iyo Balcad.
SoDMA ayaa sheegtay in inkastoo ay jiraan deegaanno kale oo badan oo ay suuragal tahay inay fatahaado ka dhacaan, haddana goobahan loo doortay inay noqdaan meelaha mudnaanta koowaad la siinayo marka la eego diyaar-garowga iyo qorshayaasha wax-ka-qabadka.
Hay’addu waxay bulshada ku nool meelaha khatarta ah ugu baaqday inaysan sugin ilaa ay biyuhu gaaraan guryaha, balse ay si joogto ah ula socdaan digniinaha hore ee rasmiga ah ee ay soo saaraan SoDMA iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.