Addis Ababa (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu ku bilaabay booqasho shaqo oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Addis Ababa gaaray kaddib booqasho uu 26-kii Juun ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda sanad guurada 49-aad ee kasoo wareegtay markii Jabuuti ay ka xorowday gumeystihii Faransiiska 1977.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.