Muqdisho (Dawan) – Xog-hayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka tababarka iyo warbixin-siinta wakiilada ururrada siyaasadeedka, sida uu sheegay Telefishinka Koonfur Galbeed.
Kulankan oo qayb ka ah dadaallada Guddiga ee lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashooyinka, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo kor u qaadi lahaa fahamka ka qaybgalayaasha ee habraacyada doorashada, waajibaadka saaran iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hubinta doorasho xor iyo xalaal ah.


