Laascaanood (Dawan) – Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday cashuur-dhimis dhan 28% oo lagu sameeyay qaadashada taarkada gaadiidka bajaajyada ee uu bixiyo maamulka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu dhiirrigelinayo bixinta cashuuraha iyo kordhinta dakhliga gudaha.
Wasaaradda Maaliyadda ee Waqooyi Bari ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in go’aankan uu salka ku hayo awoodaha sharci ee wasaaradda, isla markaana uu yahay olole lagu xoojinayo nidaamka ururinta cashuuraha gaadiidka bajaajyada ee ka howlgala deegaanada maamulka.
Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, cashuur-dhimistan ayaa quseysa dhammaan bajaajleyda, iyadoo laga dhimi doono 28% lacagta laga qaado taarkada gaadiidka bajaajta oo u dhiganta $49, halka markii hore ay ahayd $149. Maamulka ayaa sidoo kale tilmaamay in darawallada aan weli diiwaangashaneyn ama aan bixin cashuuraha ay ka faa’iidaysan karaan fursaddan si ay u waafajiyaan shuruudaha sharciga.
